Saturday, April 18, 2026

Israa’iil Oo Xabsiga Dhigtay Askar Lagu Tuhmay Inay u Basaasayeen Iran.

by Heemaaln
1 minutes read

Warar soo baxaya ayaa muujinaya in laba xubnood oo ka tirsan Ciidanka Cirka Israa’iil la xiray, kadib markii lagu tuhmay inay basaas u ahaayeen Iran arrin si weyn u gilgishay hay’adaha amniga ee dalkaas.

Sida ay baahisay warbaahinta Israa’iil, gaar ahaan i24 News, xariggan ayaa dhacay Jimcihii, iyadoo lagu saleynayo xog uu bixiyay sarkaal milatari oo aan la magacaabin.

Warbixintu waxay sheegtay in madaxa waaxda baarista dambiyada ee booliska militariga, Lee Ayash, uu xaqiijiyay in labada eedeysane ay ku jireen xabsi ku dhawaad hal bil, xilli ay socdaan baaritaanno qoto dheer oo lagu ogaanayo heerka ay gaarsiisan tahay falka lagu tuhunsan yahay.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin nooca xogta ay gudbiyeen ama sida xiriirka ay la lahaayeen Iran u dhacay, balse dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli xiisad siyaasadeed iyo mid milatari ay ka dhex taagan tahay Israa’iil iyo Iran.

Khubarada amniga ayaa tilmaamaya in haddii eedeymahan la xaqiijiyo, ay noqon karto mid ka mid ah jebinta ugu weyn ee amniga gudaha ee ciidanka Israa’iil sanadihii u dambeeyay.

Dhacdadan ayaa hoosta ka xariiqaysa heerka dagaalka qarsoon ee u dhexeeya Israa’iil iyo Iran dagaal aan mar walba ka dhicin furimaha hore, balse si qoto dheer uga dhex socda hay’adaha sirdoonka iyo gudaha nidaamyada milatari.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.