Wednesday, April 15, 2026

Trump:-Madaxwaynaha Shiinaha Waxan ka Codsaday inuusan Hub u Dirin Iran Wuuna Aqbalay.”

by Heemaaln
1 minutes read

Trump oo la hadlay Fox News ayaa sheegay inuu warqad codsi ah u diray madaxwaynaha Shiinaha Xi. isagoo ka codsaday inayna hub u dirin Iran waxuuna yiri;

“Waxaan warqad u qoray madaxweynaha Shiinaha ,Xi. Waxaan ka codsaday inuusan hub siin Iiraan, Way ogolaadeen inaanay hub u dirin dalka ii-raan.

Trump ayaa sheegay inuu warqad jawaab ah ka helay madaxwaynaha Shiinaha, wuxuuna ii sheegay in uusan sidaas sameynayn.”

Madaxweyne Xi ayaa si weyn laabta ii gelin doona markaan halkaa tago toddobaaddo gudahood. waxayna aad ugu faraxsan yahiin inaan furo marinka Hormuz, iyaguna awgood ayaan u samaynayaa.

Si aad u wanaagsan oo maskaxi ku jirto ayaan u wada-shaqaynaynaa. Taasi miyaanay dag*aalka ka wanaagsanayn?

LAAKIIN XASUUSNOW, aad baanu ugu wanaagsannahay dirirta, haddii aanu dirirno— cid kasta oo kale waanu kaga wanaagsannahay!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.