Maraykanka oo ku wargaliyey Yurub dib u dhac ku yimid hub ay ka dalbadeen

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

HNN: Dalal badan oo xulafada Maraykanka ee Yurub ah ayaa loo sheegay inay filan karaan dib u dhac weyn oo ku yimaada helitaanka hubka ay ka dalbadeen Maraykanka, sida ay qortay wargeyska Financial Times.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in dalalka ay ka mid yihiin Boqortooyada Ingiriiska, Poland, Estonia iyo Lithuania lagu wargeliyay dib u dhacyadan, sida uu wargeysku sheegay Jimcihii. Sababta ayaa la xiriirta dagaalka Maraykanka kula jiro Iran, kaas oo sababay in kaydkii hubka iyo rasaasta Maraykanka hoos u dhaco.

Sidoo kale, ka hor dhammaadka bishii hore, wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in masuuliyiinta Maraykanka ay hore ugu wargeliyeen qaar ka mid ah dalalka Yurub in ay suuragal tahay dib u dhac ku yimaada hubkii ay hore u dalbadeen, maadaama dadaalka dagaalka uu ku qasbayo Maraykanka inuu isticmaalo kaydkiisa hubka.

Heemaal News Network