Wasaarada Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in weerarkii xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ay fuliyeen wax ay ugu yeertay “maleeshiyaad cusub oo Al-Shabaab ah,” kuwaas oo sida ay sheegtay dowladda Koonfur Galbeed weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Barwaaqo.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ciidamada maamulka ay iska caabiyeen weerarkaasi, isla markaana ay gaarsiiyeen kooxdii weerarka soo qaaday “jab xooggan.” Dowladda KGS waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada ammaanka ay dileen tiro ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen.
Si kastaba, dhinacyada mucaaradka iyo ilo kale oo deegaanka ah ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa iska horimaad u dhexeeya ciidamada daacadda u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen, iyo ciidamada DF ee halkaas ee baydhabo ka saaray Laftagareen, kuwaas oo saldhigyo ku leh qaybo kamid ah Baydhabo. Wararka kasoo baxaya magaalada ayaa tilmaamaya in dagaalku ahaa mid culus oo saacado badan socday, islamarkaana labada dhinac ay kala gaareen khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada saxda ah.
Dagaalka ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amni ee Baydhabo, oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Magaalada ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka dhashay khilaafaad gudaha ah, muran la xiriira awood qeybsiga, iyo dhaq-dhaqaaqyo hubeysan oo mararka qaar ka dhaca duleedyada magaalada.
War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo lagu baadi-goobayo kooxihii weerarka soo qaaday, iyadoo shacabka loogu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga. Dowladda KGS waxay ku adkeysatay in aysan oggolaan doonin wax kasta oo qalqal gelin kara amniga magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee maamulkaasi.
Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaas xooggan iyo hub culus laga maqlayay qeybo kamid ah magaalada xalay, taasoo cabsi gelisay shacabka. Qaar kamid ah qoysaska ku nool agagaarka goobihii lagu dagaallamay ayaa la sheegay inay ka barakaceen guryahooda, iyagoo ka baqaya in dagaalku dib u qarxo.
Khilaafka siyaasadeed ee gudaha Koonfur Galbeed ayaa muddo dheer soo jiitamayay, waxaana marar badan soo baxay eedeymo ku saabsan in kooxaha mucaaradka lagu tilmaamo “argagixiso” ama “Al-Shabaab” si loo wiiqo taageeradooda siyaasadeed. Arrintaasi ayaa sii adkeynaysa fahamka saxda ah ee colaadaha ka dhacaya Baydhabo iyo cidda dhab ahaan ku lug leh dagaallada soo noqnoqda.

