Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa soo gabagabeeyay socdaal hal maalin ah oo uu ku joogay magaalada Islamabad , halkaa oo kulamo kula qaatay hoggaanka dawladda Pakistan oo uu ku jiro ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif.
Kulanka Araghchi iyo Sharif , marka uu soo dhammaaday, wuxuu sheegay ra’iisul wasaaraha Pakistan; “Waxaan yeelanay kulan saaxiibtinimo leh, halkaas oo aan si qoto dheer uga wada hadalnay xaaladda hadda ka taagan gobolka.Sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimo dan guud ah, oo ay ka mid tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Pakistan iyo Iiraan.”
Ra’iisul wasaaraha Pakistan , ma sheegin wax horumar ah oo la xiriira wadahadalladii loo sugayay ee Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo warbaahinta Iiraan ay baahisanayso inaysan jirin wax wadahadallo ah illaa isbeddel uu la imaanayo Mareykanka oo cunaqabateynta ka qaadayo dekedaha Iiraan.
In ka badan 40 markab oo xamuul konteenarro ah ayaa weli ku xaniban Gacanka Bariga Dhexe, sida ay werisay jariidadda warshadaha maraakiibta ee Lloyd’s List.
Warbixintu waxay sheegtay in ugu yaraan 43 markab oo ka socda 10-ka shirkadood ee ugu waaweyn maraakiibta konteenarrada ee caalamka ay weli ku go’doonsan yihiin gobolka, kadib markii shirkadaha waaweyn ay joojiyeen adeegyadooda tan iyo markii dagaalka ka dhanka ah Iran uu billowday dabayaaqadii Febraayo.
Hakadkaasi ayaa sababay dib-u-dhac weyn iyo koror ku yimid kharashaadka ganacsiga caalamiga ah, iyadoo silsiladaha sahayda ay wajahayaan culays sii kordhaya.
Si kastaba, warbixintu waxay xustay in qaar ka mid ah maraakiibta ay leeyihiin shirkadaha CMA CGM, COSCO, Hapag-Lloyd iyo MSC ay u suurtagashay inay si nabad ah uga baxaan aagga, inkastoo laba markab oo ay leedahay MSC ay qabteen ciidamada Iran.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Iran, Reza Talaei-Nik, ayaa sheegay in qayb weyn oo ka mid ah awoodda gantaallada Iran wali aan la isticmaalin, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Tasnim News Agency hadal muujinaya awood milatari oo weli kaydsan.
Ergooyin ka socda Mareykanka, oo kala ah Steve Witkoff iyo Jared Kushner, ayaa la filayaa inay Sabtida maanta ah u safraan Pakistan si ay wadahadallo ula yeeshaan Iran, sida uu sheegay Aqalka Cad. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa horey u gaaray magaalada Islamabad.
Booqashadan ayaa imanaysa xilli ay hakad ku jiraan wadahadalladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iran, iyadoo maalmo badan ay jireen shaki ku saabsan in Tehran ay dib ugu soo laaban doonto miiska wadaxaajoodka.
Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in Iran ay weli haysato fursad furan oo ay ku gaari karto heshiis, isla markaana ay kaga tanaasuli karto dadaalkeeda ku aaddan hub nukliyeer ah, iyadoo tallaabooyinku noqdaan kuwo macno leh oo si dhab ah loo xaqiijin karo.
Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa ka jawaabay warar sheegaya in Mareykanka uu ka fikirayo in Spain si ku-meelgaar ah looga joojiyo NATO sababo la xiriira diidmada Madrid ee dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran.
Sánchez ayaa sheegay in Spain ay si buuxda u gudatay waajibaadkeeda ku aaddan isbahaysiga NATO, isla markaana ay sii wadi doonto iskaashiga xulafadeeda
gudaha xeerarka sharciga caalamiga ah.
Wuxuu sidoo kale ku celiyay mowqifka Madrid ee ah in dagaalka Iran uu yahay mid sharci-darro ah, sidaas darteedna Spain aysan taageeri karin ama fududeyn karin hawlgallo militari oo ka baxsan sharciga caalamiga ah.
Hadalkan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo qaar ka mid ah xulafada NATO, kadib warar sheegaya in Pentagon-ku uu ka fiirsanayo tallaabooyin ka dhan ah dalalka aan si buuxda u taageerin hawlgallada Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in Iran ay iyadu la xiriirtay Washington sida uu Madaxweynaha Mareykanka ugu baaqay, isla markaana ay codsatay in wada-hadalladu noqdaan kuwo fool-ka-fool ah.
Leavitt ayaa sidoo kale sheegtay in Aqalka Cad uu arkayo horumar yar oo laga sameeyay dhanka Iran, inkasta oo aysan si cad u sheegin in Mareykanku helay soo jeedin rasmi ah oo ka timid Tehran.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa gaaray dalka Pakistan shalay. Warbaahinta Iran ayaa beenisay in safarkiisu la xiriirayo wada-hadallo uu la yeelanayo Mareykanka.
Sida ay sheegtay wakaaladda Tasnim, oo ah warbaahin ku dhow dowladda Iran, safarka Araghchi ma aha mid ku saabsan wadahadallo Mareykanka lala yeelanayo balse waxaa lagu sheegay inuu diiradda saarayo doodo la xiriira aragtida Iran ee ku saabsan joojinta dagaalka oo uu la yeelanayo dhinaca Pakistan.
Dhinaca kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu u safro Islamabad haddii ay horumar ka soo baxaan wada-hadallada socda, sida ay sheegtay Leavitt.
