Wasiirka Difaaca Pakistan Oo Sheegay In Turkiga Iyo Qadar ku Biirayaan Heshiiska Difaaca Pakistan

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa sheegay iney suuragal tahay in Turkiga iyo Qatar ay ku biiraan isbahaysiga difaac ee Pakistan iyo Sucuudiga.

Wuxuu sheegay in dal walba maqaamka madax banaanidiisa uu sii haysanayo balse ay isku biirinayaan ciidamadooda si ay iskaga kaashadaan ammnigooda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in baahi wayn loo qabo madal cusub oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo ammniga iyo Iskaashiga gobolka.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee ISRL ayaa dhawaan sheegay inuu ka walwalsan yahay wax uu ugu yeedhay gaashaanbuur Islaami ah oo ay Hogaaminayaan Pakistan iyo Sucuudiga, kuwaasoo halis gelineya jiritaanka ISRL.

Pakistan iyo Sucuudiga waxay horey uwada gaadheen heshiis iskaashi difaac oo istaraatiiji ah, kaasoo ku dhisan mabda’a ah hadii weerar lagu qaado midkood in loo tixgalin doono weerar lagu qaaday dhammaantood isla markaana looga jawaabi doono si wadajir ah.

Sucuudigu wuxuu leeyahay miisaaniyad difaac oo aad u sareysa iyo dhaqaale xoogan, waxayna ciidanka Boqortooyadu ku qalabeysan yihiin mid kamid ah hubka ugu horumarsan gobolka, wuxuuna ku yaala goob aad istaraatiiji u ah oo xarun u ah gobolka.

Turkigu waa lanbar culus oo miisaama awooda galbeedka, isla markaana dheeli tira miisaanka bariga, Turkigu wuxuu leeyahay ciidanka labaad ee ugu tirada badan gaashaaanbuurta NATO, warshado difaac oo horumarsan, maraakiib dagaal oo casri ah iyo waayo aragnimo milatari oo balaadhan.

Pakistan waa dalka kaliya ee islaama ee Ciidamadiisu ay ku gaashaman yihiin hubka aadamaha gumaada ee nukliyeerka iyo gantaalo horumarsan oo ballistic ah, sidoo kale waa dalka leh ciidanka cirka ee ugu tayada badan muslimiinta iyo mid kamid ah sirdoonka ugu wanaagsan Caalamka.

Dhanka kale Qatar waa dal leh dhaqaale xoogan oo wax badan ku biirin kara isbahaysigan, hadii uu Isbahaysigani hirgalo, wuxuu bilow cusub u noqon karaa iskaashi difaac oo lagu tilmaami karo “Gaashaaanbuurta Islaamka.” taasoo oo isbadal qoto dheer ku ridi doona siyaasada gobolka, isla markaana si muuqata ubadali doona miisaamka awooda ee gobolka, waxaana halkaas kasoo baxaysa awood islaama oo saameyn toosa ku yeelan doonta quwadaha waawayn ee caalamka sida Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha, sidoo kale ISRL iyo Hindiya waxay dareemi doonaan cadaadis daran, waxaana ku adkaan doontaa iney mardambe isku daayaan iney kaligood xakameeyaan gobolka.