Isu socodka Gaadiidka Dadweynaha ee Gaarisa Mwingi ilaa Nairobi ayaa istaagay markii galabta Bus ay dad rayid ah saarnaayeen lagu weeraray halkaas.
Weerarka oo lagu sheegay aargoosi ayaa la xiriira dilal maalmihii la soo dhaafay dhexmarayay Soomaalida Tana River iyo Qabiilka Kamba halkaas oo dhimashada isku dar ay kor u dhaaftay 12 qof.
Siyaasiyiinta labada Gobol ayaa sidoo kale hadallo kicin ah hawada isu mariyay.
Soomaalida waxa ay leedahay 35% dhulka hadda Dowladda Kenya sheegato.
Hayeeshee Qabiilka Kamba oo asal ahaan ka soo jeeda South Sudan iyo Uganda ayaa ugu baaqaya Soomaalida in ay ku laabtaan dalkooda Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa Boolis dheeraad ah geysay goobaha labada dhinac isku dileen maalmihii la soo dhaafay, hayeeshee waxba sooma kordhin oo waxa wali socda is beegsiga labada dhinac.
