Raysal wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa shaaca ka qaaday in dawladdiisu ansixisay in sharciga dhalasho la siiyo Nus Milyan ruux oo dalkaas tahriib ku galay muddooyinkii la soo dhaafay si ay u shaqa galaan una noqdaan kuwa hela xaquuqaha asaasiga ah.
Tallaabadan ayay Madrid ku sheegtay in ay tahay mid kor loogu qaadayo wax soo saarka dalkaas si loo helo dad shaqaynaya meeshan looga saaro dad yaraanta waddanka ka jirta.
Spain ayaa sannadadan isku dayaysa in ay soo jiidato dadweynaha tahriibeyaasha ah maaddama oo ay wajahayso shaqaale la’aan dalkaas in muddo ah ka taagnayd.
Soomaalida aya ka mid ah dadyowga Spain galay sannadihii la soo dhaafay inkasta oo badankoodu u sii dhaafeen waddamada kale qaaradda Yurub.

