Dagaallo u dhexeeya ciidamada Israel iyo kooxda Hezbollah ee gudaha Lebanon ayaa wali socda, inkastoo ay socdaan wada-hadallo ka dhacaya Washington, D.C.
Bayaan ay soo saareen ciidamada Israel ayaa lagu sheegay inay 24-kii saac ee la soo dhaafay duqeeyeen qiyaastii 150 bartilmaameed oo ay sheegeen “goobo Hezbollah leedahay” oo ku yaalla koonfurta Lubnaan.
Dhanka kale, Hezbollah ayaa soo saartay bayaano dhowr ah oo ay ku sheegtay inay gantaallo ku weerartay Israel.
Sawirro laga qaaday koonfurta Lubnaan subaxnimadii Talaadada ayaa muujinaya meelaha ay ka dhaceen duqeymaha cirka ee Israel.

