Iiraan oo Dalalka Carabta ka Dalbatay Magdhow iyo Sababta

by Heemaaln
1 minutes read

Iran ayaa bilaabtay qiimeyn ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, taas oo qayb ka ah dadaal ay ku doonayso in magdhow lagu daro wada-hadallada socda.

Ergeyga Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah warqad ugu gudbiyay Xoghayaha Guud Antonio Guterres, isaga oo dalbanaya in Iran la siiyo magdhow ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalladii u dambeeyay ee dalkaasi saameeyay.

Sida ay baahisay IRNA, safiirka Iran ee Qaramada Midoobay Amir Saeed Ervani ayaa warqaddiisa ku sheegay in shan dal oo carab ah ay si cad u jebiyeen waajibaadkoodii caalamiga ahaa ee ku aaddanaa ilaalinta madaxbannaanida iyo amniga Iran. Wuxuu xusay in ficilladaasi ay keeneen khasaare baaxad leh oo isugu jira mid dhaqaale, mid kaabayaal, iyo mid bani’aadamnimo.

Warqadda ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay in marka la eego sharciga caalamiga ah, dalalkaas ay leeyihiin mas’uuliyad buuxda oo ku saabsan wixii waxyeello ah ee ay geysteen, isla markaana looga baahan yahay inay bixiyaan magdhow dhamaystiran. Iran ayaa ku dooday in tallaabooyinkaasi ay ahaayeen kuwo ka hor imanaya mabaadi’da aasaasiga ah ee nidaamka caalamiga ah, gaar ahaan kuwa la xiriira xushmeynta madaxbannaanida dalalka iyo ka fogaanshaha faragelinta militari.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa militari ee gobolka, iyadoo Iran ay u muuqato inay dooneyso inay arrintan u gudbiso heer caalami ah si cadaadis sharci iyo mid diblomaasiyadeed loogu saaro dalalka ay eedeysay. Ilaa iyo hadda, ma jirto wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.