Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo dhiggiisa Iran Abbas Araghchi ayaa ka wada hadlay xaaladdii ugu dambeysay ee wada hadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.
Labada dhinac ayaa arrintan kaga hadlay khadka taleefanka maalintii Talaadada xilli uu jiro xabbad joojin laba toddobaad ah oo lagu hakiyay colaadda u dhaxaysa dalalkaas.
Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in in ka badan 3,300 oo qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee ay fuliyeen Mareykanka iyo Israel tan iyo markii ay bilowdeen 28 ka Febraayo.
Dhanka kale Tehran ayaa ka jawaabtay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku beegsatay Israel, Ciraaq, Urdun iyo dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada militari ee Mareykanka kahor inta aan la shaacin xabbad-joojinta laba toddobaad ah.
Sidoo kale dhammaadkii usbuucii hore Mareykanka iyo Iran ayaa wada hadallo toos ah oo naadir ah ku yeeshay Islamabad si loo soo afjaro colaadda balse kulamadaas waxay ku dhammaadeen wax heshiis ah la’aan.

