Trump ayaa hadda la hadlay Telefishinka Israa’iil ee Channel 12 ayaa Israel uga Gigay inay Qaado Weeraro Jawaab-celin ah.
Wuxuu yiri ;“ Haddii uu Netanyahu qaado weerar jawaab ah , markaa Iiraan joogsan mayso , waa inuusan wax jawaab ah ka bixin weerarka dhacay oo aan ogahay inaysan khasaare gaysan.”
Wuxuu intaa ku daray; “Waan wacaya Netanyahu , waxaan leeyahay joogso, sababtoo ah waxaan ku dhownahay in heshiis la gaaro.” See
Dhinaca kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Iran inay dib ugu soo laabato miiska wada-hadallada, isaga oo ka digay in weerarrada gantaallada ee ay ku qaaday Israa’iil ay dhaawici karaan dadaallada diblomaasiyadeed.
“Arrintan hubaal kama caawin doonto wada-hadallada,” ayuu Trump u sheegay warbaahinta Fox News.
Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan Iran kula talin lahaa; gantaalladiinnii waad riddeen, taas ayaa ku filan. Hadda dib ugu soo noqda miiska wada-xaajoodka oo heshiis gaara.”
Trump ayaa sidoo kale sheegay inuusan ku faraxsanayn weerarradii ay Israa’iil maanta ka fulisay magaalada Beirut ee caasimadda Lubnaan.
Hadalladan ayaa imanaya xilli xiisadda gobolka Bariga Dhexe ay sii kordhayso, iyadoo Iran iyo Israa’iil ay isweydaarsanayaan weerarro iyo hanjabaado cusub.
