Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa yeeshay wadahadal qaatay in ka badan 90 daqiiqo, sida ay sheegayaan ilo wareedyo.
Intii lagu guda jiray wada hadalka, Putin ayaa soo jeediyay xabbad-joojin laga hirgeliyo dalka Ukraine si loo maamuuso maalinta Victory Day, halka Trump uu muujiyay taageero ku aaddan hindisahaasi.
Dhanka kale, Putin ayaa si adag u cambaareeyay isku day dil oo lala beegsaday Trump, isaga oo ku tilmaamay fal aan la aqbali karin.
Trump ayaa isaguna sheegay in heshiis laga gaaro xaaladda Ukraine uu aad ugu dhow yahay in la soo afjaro, taasoo muujinaysa rajo laga qabo xal diblomaasiyadeed.
Sidoo kale, Putin ayaa ka digay cawaaqib aad u daran haddii Mareykanka iyo Israel ay bilaabaan weerarro cusub oo ka dhaca Bariga Dhexe.
Ugu dambeyn, Putin ayaa ku eedeeyay Ukraine inay adeegsato habab si buuxda argagixiso u eg weerarrada lala beegsanayo bartilmaameedyada rayidka ah.
Wararku waxay muujinayaan in wada hadalkan uu xambaarsan yahay fariimo siyaasadeed oo culus, iyadoo weli ay taagan tahay hubanti la’aan ku saabsan jihada mustaqbalka ee colaadaha caalamiga ah.
