Israa’iil Oo Xakun Xabsi Ciidan ah ku Riday Askarigii Burburiyay Taallo Nabi Ciise loo Ekaysiiyay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay inay Talaabo ka qaadeen askarigii burburiyay taallo loo ekaysiiyay Nabi Ciise CSw oo ku taalay gudaha Lubnaan, iyo askarigii sawirka ka qaaday, waxaana labadaasi askat lagu xukumay 30 maalmood oo xabsi ciidan ah.

Ciidanka Difaaca Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in labada askari oo aan magacyadooda la shaacin laga saari doono hawlgallada dagaalka kadib baaritaan la sameeyay.

Sidoo kale, lix askari oo kale oo goobta joogay balse aan wax tallaabo ah qaadin ama aan soo sheegin dhacdada ayaa si gaar ah loola tacaali doonaa, sida lagu sheegay warbixin la soo saaray.

Dhacdadan oo ka dhacday tuulada Debel ee koonfurta Lubnaan ayaa dhalisay cambaareyn ballaaran kadib markii sawirkeeda si weyn loogu faafiyay baraha internetka toddobaadkan. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu “la yaabay oo aad uga murugooday” wixii dhacay.

War-saxaafadeed ay soo saareen Talaadadii, milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in baaritaanku caddeeyay in ficilka askartu uu si buuxda uga hor imanayo amarada iyo qiyamka ciidanka, waxayna muujiyeen“qoomamo weyn” oo ku saabsan dhacdada.

Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamadeedu ay dib u dhiseen taalladii waxyeelladu gaartay “iyagoo si buuxda ula kaashanaya bulshada deegaanka”.

IDF ayaa carrabka ku adkeysay in hawlgalladeeda Lubnaan ay si gaar ah ugu wajahan yihiin kooxda Xisbullaahi ee ay Iiraan taageerto iyo “kooxo kale oo argagixiso ay ku tilmeemeen,”.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.