Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxman Mohamed Abdullahi (Cirro) ayaa ku faanay inuu khadka telefoonka kula soo xiriiray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, islamarkaana uu ugu hambalyeeyay munaasabadda 18-ka May oo ah maalinta ay Somaliland u dabaaldegtay ku dhawaaqistii gooni isu taagga sanadkii 1991-kii.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inuu Netanyahu uga mahadceliyay xiriirka iyo taageerada ay yeesheen Somaliland & Israel, isagoo tilmaamay in Somaliland ay dooneyso inay ballaariso xiriirrada caalamiga ah iyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo teknoolojiyadda.
Wada-hadalkan telefoonka ah ayaa loo arkaa tallaabo siyaasadeed oo xambaarsan fariimo diblomaasiyadeed oo muhiim ah.
Dhinaca kale, xiriirka lala yeesho Israa’iil ayaa weli ah arrin xasaasi ka ah guud ahaan dunida Islaamka iyo bulshada Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Somaliland uu dhalin karo falcelin siyaasadeed iyo mid bulsho.
Qaar kamid ah dadka taageersan Somaliland ayaa u arka arrintan dadaal horumar soo xoojinaya aqoonsiga Israel ay siisay Somaliland, iyo furitaanka albaabbo cusub oo diblomaasiyadeed, halka kuwo kale ay ka muujinayaan walaac la xiriira saameynta ay ku yeelan karto xiriirka Somaliland ay la leedahay dalalka Carabta iyo shacabka Soomaaliyed.
Xuska 18-ka May ayaa sanad walba Somaliland uga dhigan munaasabad weyn oo lagu xuso markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, inkastoo aysan weli helin aqoonsi rasmi ah oo caalami ah. Munaasabadda sanadkan ayaa u muuqatay mid si gaar ah loogu muujinayay dadaallada maamulka Somaliland ee ku aaddan ballaarinta xiriirrada dibadda iyo raadinta taageero caalami ah.
Wadahadalka u dhexeeyay Madaxweyne Cirro iyo Netanyahu ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli gobolka Geeska Afrika uu noqday goob ay ku loolamayaan quwadaha caalamka iyo dalalka Bariga Dhexe, kuwaas oo daneynaya marin-biyoodka Badda Cas, amniga gobolka iyo saameynta siyaasadeed ee Afrika.
