Warbaahinta dawladda Ruushka ee Russian Today (RT) ayaa daabacday warbixin sheegaysa in Imaaraadka Carabtu uu noqon karo dalkii labaad ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland, oo raaci kara Israel haddii ay hirgalaan dedaallo diblomaasiyaddeed oo socda.
Warbixinta RT oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA, ayaa warbixinteeda ku xustay in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay muhiimad istiraatijiyaddeed oo sare maadaama ay marin muhiim ah u tahay Badda Cas, taas oo lagu sheegay inay qeyb ka noqon karto istaraatiijiyadda lagu wajahayo dhaqdhaqaaqyada Amniga badda cas.
Warku wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland u sii xoogaysanayso ahmiyaddeeda juqraafi-siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.
