Askar Mareykan ah Oo la Waayay intii Lagu Jiray Tababbar Milatari Oo ka Socday Morocco

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Laba askari oo Mareykan ah ayaa la waayay intii lagu jiray tababbar milatari oo ka socday Morocco, sida uu sheegay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom).

Askartan la la’yahay waxay ka qeyb qaadanayeen African Lion 2026, oo ah tababar wadajir ah oo sannadle ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo howlga;lada u dhexeeya ciidamada Mareykanka, xulafada NATO, iyo dalalka Afrika, sida ay saraakiishu sheegeen.

Africom ayaa sheegtay in lagu waayay maalintii Sabtida meel u dhow aagga tababarka Cap Draa, oo ku dhow magaalada Tan Tan ee Morocco.

Howlgal baadi-goob iyo samatabixin ah oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo dhulka, cirka, iyo badda ah oo ka kala socda Mareykanka, Morocco iyo dalal kale ayaa socda si loo helo askartaas, sida ay saraakiishu sheegeen.

“Dhacdadan wali baaritaan ayaa ku socda, raadintuna way socotaa,” ayay Africom ku tiri bayaan ay soo saartay maanta. “Diiraddayadu waxay saaran tahay askarta iyo qoysaskooda.”

African Lion, oo ah tababarka milatari ee wadajirka ah ee ugu weyn qaaradda, waxaa lagu qabtaa Morocco, Ghana, Senegal iyo Tunisia.

Waxa uu diiradda saaraa howlgallada dhammaan dhinacyada, ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, iyo isku-duwidda dalal badan si loo xoojiyo amniga gobolka loona diyaargaroobo xaaladaha degdegga ah.

Tababarkan, oo ay ka qeyb qaadanayaan 5,000 oo qof oo ka kala socda in ka badan 40 dal iyo in ka badan 30 shirkadood oo Mareykan ah, ayaa la qorsheeyay inuu socdo 27-ka Abriil ilaa 8-da May.