5
Wafti maalgashadayaal dhinaca beeraha ah oo ka soo jeeda Waddanka Israel, ayaa maanta booqasho ku tegay Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.
Weftiga ayaa Somaliland u yimid inay xog-ogaal u noqdaan fursadaha maalgashi ee beeraha Somaliland.
Kulankaas waxa hoggaaminaayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Engineer. Cabdirisaaq Axmed Gaas, waxaana goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda qorshaynta Maxamed Sahal Iidle iyo la-taliyayaasha wasaaradda Beeraha.
