Boga Website-ka Madaxweynaha kenya Oo la Jabsaday Lacag Madax-furasho ah-na Lagu Xiray.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Weerar dhanka internet-ka ah ayaa lagu qaaday website-ka rasmiga ah ee Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyadoo kooxaha hackers-ka ay ku xireen madax-furasho dhan 41 milyan oo Shilinka Kenya una dhiganta dollar ahaan $300,000.

Jabsadayaashu waxay dowladda u qabteen 6:00 fiidnimo kama dambays ay lacagta ku bixiso.

Waxay sidoo kale ku hanjabeen inay sii deyn doonaan xog xasaasi ah oo dowladda la xiriirta haddii aan lacagta la bixin.