Sunday, November 1, 2026

Duruus Adag oo Mooyale Loogu Dhigay Oramadii soo Duushay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Laba qabalee ayay maanta soo weeraren kooxihii duullanka ahaa. Labadii aagba waa lagu jabiyay. Khasaaraha maanta ay la hoydeen ayaa aad uga badan iskudarka khasaaraha maalmihi tagay. Tiradu waa darsin darsin. Maxaabista ilaa hada shacabka ree Mooyale qabteen ayaa gaadhaysa 10 qof oo saddex dhawac tahay. Maanta kaliya waxaa la qabtay 30 Qori oo ay 3 kamid ah yihiin hubka culus.

Darsiga maanta loo dhigay waxaan filayaa inuu noqon doono mid aan maankoda ka bixin. Dagaalkana wuxuu ku noqday mid ay kala kulman wax aysan fileynin. Sababto ah waxaa ku baxay qaar kamid ah kuwoodii ugu darajo sarreeyay.

Ninkii reer Xamarka ahaa wuxuu yidhi: “Hubkii waan haynaa, ee dadkii in ay dhintaan ma rabaan.” Hada damacii wuu ku jiraa ee Wadne meeyay?

Soomalidu meelkastoy joogto 30 sanno hal Jaamacada ayay ku takhasustay oo aan lagu gaadhayn. Waa Jaamacada “Dagaalka Iyo fawdada.” Ilmaha yar ee 15 sanno jira ayaa shahaado Jamacadan ka qaatay.