Warbaahinta New York Post ayaa sheegtay in Israa’iil ay ka fiirsanayso qorshe sirdoon oo lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha ugu sarreeya militariga Iran, iyadoo la adeegsanayo xeelado la mid ah kuwii ay hore ugu adeegsatay dagaalka Xisbullaah.
Qorshahan ayaa la sheegay inuu ku jiri karo dhexgal sirdoon iyo dilal qorsheysan oo lagu beegsanayo madaxda go’aannada militariga Iran, waxaana magacyada la xusay ka mid ah:
* Ahmad Vahidi: Taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC).
* Hossein Taeb: Sarkaal sare oo ka tirsan hoggaanka Basij.
* Mohsen Rezaei: Xoghayaha Golaha Amniga Qaranka Iran.
* Ali Abdollahi: Madaxa taliska guud ee ciidamada qalabka sida Iran.
Iran ma u dulqaadan doontaa dilal kale oo lagu beegsado madaxdeeda, mise waxay qaadi doontaa tallaabo aargoosi oo ka dhan ah Israa’iil?
