Dowladda Jabuuti ayaa ku bixisay ku dhowaad $1.7 milyan gargaar bani’aadannimo oo loogu taageerayo kumannaan Yemeni ah oo ka soo cararay colaadda ka taagan dalkooda, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay majaladda Faransiiska ah ee Le Point sheegay in ugu yaraan 3,836 qof oo Yemeni ah ay magangelyo ka raadsadeen Jabuuti, kaddib markii uu dagaalku ku sii fiday dalka Yemen.
Waxa uu sheegay in dadka ka soo degaya xeebaha gobolka Obock loo wareejiyo xarunta qaxootiga Markazi, halkaas oo ay ka helaan cunto, daryeel caafimaad iyo adeegyo kale oo aasaasi ah.
Cabdulqaadir Kaamil ayaa sheegay in lacagta ku dhow $1.7 milyan lagu bixiyay sahayda cuntada, adeegyada caafimaadka iyo dawooyinka, iyadoo Jabuuti ay qaadday inta badan kharashaadka ku baxaya martigelinta qaxootiga.
Dhanka amniga, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in aysan jirin xog la xaqiijiyay oo muujinaysa in dagaalyahanno ka tirsan Xuutiyiinta ay ku jiraan qaxootiga Yemen ee ku sugan Jabuuti.
Si kastaba, wuxuu sheegay in ku dhowaad 17 dagaalyahan oo xiriir la leh dowladda Yemen ay dalka soo galeen, kuwaas oo si gaar ah loogu dejiyay xero militari, halkii ay la degi lahaayeen qaxootiga rayidka ah.
Tirada sii kordheysa ee dadka ka soo cararaya colaadda Yemen iyo kharashaadka ku baxaya taageeradooda ayaa muujinaya saameynta bani’aadannimo iyo dhaqaale ee dagaalka Yemen uu ku leeyahay Jabuuti, oo sii wada inay hoy iyo gargaar siiso dadka ka cararaya colaadda.
