Sunday, October 25, 2026

Wasiirka Difaaca Ingiriiska Oo Amray In loo Diyaar garoobo Dagaal Muddo Socda Oo lala Galo Ruushka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha Difaaca Ingiriiska ayaa amray in dalkiisu haysto kun maalmood si uu ugu diyaar garoobo dagaal suurtagal ah oo uu la galo cadawgiisa Ruushka.

“Rabitaanka cadawgeennu inay na waxyeeleeyaan ma aha wax cusub,” ayuu Wes Streeting u sheegay wargeyska Ingiriiska ee The Telegraph. “Waxa isbeddelay waa awooddooda. Marka la gaaro 2030, awooddooda ciidan iyo dhaqaalahooda dagaal ayaa ku ridi kara boos ay ku weeraraan.”

Mr. Stretting ayaa intaa ku daray in qiimeyntan, Britain ay haysato wax ka badan kun maalmood si ay ula diyaararowdo xulafadeeda si ay “ugu guuleysato” dagaalka.

“Waa inaan diyaar u ahaannaa inaan ka fogaano malaha ugu xun,” ayuu yiri, isagoo ka hadlayay weerar suurtagal ah oo Ruush ka yimaada.

Dowladda Ingiriiska waxay bilowday olole “Diyaargarow”, iyadoo dadka kula talinaysa inay sii wadaan kaydsashada biyaha, cuntada la keydin karo sida cuntooyinka qasacadaysan, busteyaasha iyo raadiyaha guriga si loogu diyaari garoobo haddii ay dhacdo weerar internet ama cimilo daran iyo carqaladayn kaabayaasha.