Suleymaan Dedefo, Safiirkii hore ee Itoobiya u fadhiyay Muqdisho oo ka hadlay dagaalka Mooyaale ayaa sirdoonka TPLF ku eedeeyay iney ka dambeeyeen colaada. “Waxaa jirta xog xooggan oo tilmaamaysa in saddex xubnood oo ka tirsan sirdoonka TPLF, kuwaaso aan weli la aqoonsan ay kasoo gudbeen dhanka Kenya, soona galeen magalada Mooyaale maalmo kahor inta aysan rabshaduhu qarxin, halkaasna ay jooogeen maalintii koobaad ee rabshaduhu bilowdeen.” ayuu yidhi, isagoo xusey in ujeedada TPLF ay tahay in dareenka iyo awooda dowlada dhexe ee Itoobiya laga soo leexiyo waqooyiga loona soo jeediyo Koonfurta.
Dedefo ayaa sidoo kale eedeeyay wax uu ku tilmaamay dadka sida masuuliyad darada ah u adeegsanaya baraha bulshada ee dalalka deriska, isagoo dhanka kale sheegay in la faafinayo baaqyo loogu yeedhayo beelaha Soomaalida ee ku nool gudaha Itoobiya iyo Dalalka deriska si ay ugu biiraan colaada.
Balse Suleymaan Dedefo wuxuu si cad iskaga indha tirey baaqyada ka socda dhinaca Oromada ee layskugu habar wacanayo, iyo ololaha khaldan ee qaar kamid ah dadka Oromadu ay ka wadaan baraha bulshada ee ay ku sheeganayaan dhulka iyo magaalooyinka Soomaalida.
