Jabhada hubeysan ee TPF oo ah ciidan ka soo horjeeda Kooxda TPLF ayaa digniino soo saaray. Ciidankan oo la aasasay intii Getachew Redda, ka soo baxay Tigreega ayaa taageraya Milatariga Itoobiya, iyagoo kamid ahaa ciidamadii qabtay magalada Alameta.
Waxay ku baaqeen in cid kastoo hubeysan hubka ay soo dhiibto hubka, dadkuna Milatariga ku soo dhaweeyan Caasimada Tigreega ee Mekelle.
Jabhadani waxay kaloo sheegten in ay xididada u saarrayan maamulka TPLF oo ay ku sifeeyen mid Tigreega ka hirgaliyay kala sarrayn iyo caddaadis-ka bulsho oo gaara, waxaa xusid mudan in dagaalkii hore uu Tigreegu mideysnaa.
Afartii cishee tagay TPLF warbaahinta way ka maqan tahay. Ma jirana warar ka soo baxaya. Kooxaha taagersana waxay ku dhaliileen in aysan dadka la waddaagin xoggaha socda. Iyagoo xusaya in ay ahayd in loo sii diyaar garoobo Koronto la’an iyo Internet la’antaba.
