Thursday, August 13, 2026

DFS Oo Amartay in la Dumiyo Boqolaal Guri oo ku yaalla Degmada Waaberi Ee Muqdisho

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowlada Somalia ayaa ku amartay shacabka degan qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho iney ka baxaan si loo burburiyo, loogana iibiyo rag ganacsato ah.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dhul boob faraha ka baxay oo mudooyinkan ka socday magaalada Muqdisho kaasoo dowladu ku xaraashtay dhulkii danta guud dhulal lagu tilmaamay abasiibooyin si sharci daro ah loo degay iyo xitaa dhulal dadkii lahaa sharci u heystaan.

Guryaha la calaamadeeyey in la burburiyo ayaa ku yaalla xaafada Buulo Eelaay ee degmada Waaberi, waxaana tiradooda lagu sheegay qiyaastii illaa 500 oo guri oo ay ku nool yihiin kumanaan qof oo barakac wajahaya.

DFS ayaa haatan u soo jeesatay boobka dhulalka leh dokumentiyada sharciga ah ee shacabka ka dib markii horey loo xaraashay dhulalkii danta guud ee dowladu laheyd.

Xaafada Buulo Eelaay ee degmada Waaberi ee haatan duminta wajaheysa ayaa ah xaafad isku raran ah oo jidadkeeu u badan yihiin luuq luuqyo aysan geli Karin gaadiidka, waxaana qoysaska ku nool ay u badan yihiin dad Danyar ah.

Qaar ka mid ah dadkaas ayaa maanta dibed bax rabshado wata ka dhigay qeybo ka mid ah wadada Buundooyinka oo kaabiga ku heysa xaafadaas, iyagoo ka careysan amarka guryahooda lagu burburinayo waxayna iska hor yimaadeen ciidamada amaanka, iyadoo muddo kooban uu hakad galay socodka gaadiidka ee wadadaas.

DFS ayaa sanadihii la soo dhaafay ka waday magaalada Muqdisho olole dhul boob aan kala sooc laheyn, dhowaan ayeyna aheyd markii cagaf la mariyey qeybo ka mid ah xaafada Buur karoole ee degmada Xamar jajab oo laga barakiciyey boqolaal qoys oo Danyar ah.