Saturday, November 21, 2026

Somaliland Oo Heshiis Macdan-qodis ah la Gashay Shirkad laga Leeyahay Imaaraadka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maamulka Somaliland ayaa heshiis is-afgarad (MoU) la saxiixday shirkadda Regal Earth oo xarunteedu tahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kaas oo la xiriira sahminta iyo horumarinta khayraadka macdanta ee dhulka Somaliland.

Heshiiskan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii mas’uuliyiin Soomaaliyeed ay Imaaraadka ku eedeeyeen inuu si sharci-darro ah uga faa’iideysanayo una dhoofinayo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan macdanta iyo dahabka.

Heshiiska cusub ayaa dhinac kale ku soo kordhinaya muranka Muqdisho iyo Abu Dhabi, kaas oo salka ku haya madaxbannaanida Soomaaliya, lahaanshaha khayraadka dabiiciga ah iyo heshiisyada ay dhinacyada shisheeye la galaan maamullada dalka.