Trump ayaa qoraal uu hadda baahiyay, wuxuu uga hadlay weerarrada Mareykanka uu billaabay ee ka dhanka ah Iiraan.
Wuxuu yiri;“Waxay naga soo rideen diyaarad qumaatiga u kacda, anaguna hadda ayaa ka jawaabayna…Tani waa jawaab loo bixiyay wixii ay ku sameeyeen diyaaraddeenna.”
Iran ayaa Horey u sheegtay diyaarada Mareykanka ee ku dhacday marinka Hormuz inaan lagu soo ridin howlgal la qorsheeyay, iyagoo markaa iska fogeyna si ku talagal ah in diyaaradaa loo soo riday.
Dhinaca kale Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidamadiisu ay bilaabeen weerarro is-difaac ah oo ka dhan ah Iran.
CENTCOM waxay sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay ridistii shalay loo geystay diyaarad dagaal oo nooca Apache ah oo ay lahaayeen Ciidanka Mareykanka.
Dhanka kale, wakaaladda wararka Iran ee Mehr ayaa werisay in dadka deggan Dekedda Sirik iyo tuulooyinka ku hareeraysan ay maqlayeen qaraxyo dhowr ah fiidnimadii maanta.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha iyo bartilmaameedyada la weeraray weli lama shaacin.
