Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa qoraal uu hadda soo saaray wuxuu ku sheegay in Maraykakanku ku guuldaraaystay dagaalka balse uu isku dayayo inuu wiiqo amniga Hormuz waxuuna yiri:
“Inkastoo Mareykanku guuldarrooyin kala kulmay dagaalka, haddana wuxuu isku dayay inuu tijaabiyo sida aan u adkeysanno….Ciidamadeenna xoogga leh jawaab la’aan kama tagayaan weerar ama hanjabaad kasta.Haddii aad rabtaan inaad ammaan ahaataan, ka baxa gobolkan.”
Waxaa kaloo uu yiri; “Taariikhda Gacanka Faaris waxay muujinaysaa in cid kasta oo shisheeye ah oo soo faragelisa ay la kulanto xaalado xun.”
Wakaaladda wararka Iiraan ee IRIB ayaa werisay in weerarro uu Mareykanku caawa ka fuliyay gudaha Iiraan ay saameyn ku yeesheen kaabayaal muhiim ah.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in deegaanka Bamani laga jaray biyihii la cabi jiray, kadib markii la duqeeyay goobaha biyaha ee halkaas ku yaalla
