Ukraine ayaa maanta mar kale weerartay warshadda sifeynta shidaalka ee Kapotnya, oo ah tan ugu weyn caasimadda Ruushka ee Moscow, iyadoo adeegsatay diyaarado aan duuliye lahayn, sida ay werisay Reuters.
Waa markii labaad oo Ukraine ay ku qarxinayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn warshadan, oo bixisa shidaalka laga adeegsado Moscow, waxaana ka dhashay weerarradan hoos u dhac ku yimid shidaalka xarumaha shidaalka ee caasimadda Ruushka, taasoo dhalisay in la arko gaadiid safaf dhaadheer ugu jira xarumaha shidaalka.
Waxay u muuqataa Ukraine inay doonayso , inay cadaadis saarto Ruushka , taasoo ay u aragto inay ku gaarayso curyaaminta kaabayaasha dhaqaalaha illaa laga gaarayo inuu Putin dedejiyo hadal lagu joojinayo dagaalka daba dheeraaday, balse si cad Ruushka wuxuu dhankiisa isku dayi doonaa weerarradan si adag inuu uga jawaabo.
