Trump Oo Sheegay in Dnidu u baahan tahay Heshiis lagu Dhimayo hubka Nukliyeerka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa sheegay in dunidu u baahan tahay heshiis lagu dhimayo hubka nukliyeerka, isagoo ka digay kororka awoodda nukliyeerka ee Shiinaha.

Wuxuu yiri:“Maraykanka ayaa haysta awoodda nukliyeerka ugu weyn dunida, halka Ruushku ku jiro kaalinta labaad. Shiinuhu weli wuu naga dambeeyaa, balse si degdeg ah ayuu u xoogaysanayaa, waxaana suuragal ah in shan sano gudahood uu gaaro heer la mid ah kan quwadaha waaweyn ee nukliyeerka.”

Trump ayaa intaas ku daray:“Waxaan u baahanahay heshiis lagu yareeyo hubka nukliyeerka. Looma baahna in la haysto hub awood u leh inuu dunida burburiyo boqolaal jeer. Taasi waa arrin cabsi leh. Waxaan jeclaan lahaa in la gaaro heshiis lagu dhimayo hubkan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay;“Mid ka mid ah dalalkan diyaar ayuu u yahay heshiis noocaas ah. Kan kalena diyaar uma aha sidaas oo kale. Si kastaba ha ahaatee, waxaan u baahanahay in dhammaan quwadaha waaweyn ay qayb ka noqdaan dadaalka lagu dhimayo hubka nukliyeerka.”

Dalka uu sheegayo Trump inuu diyaar u yahay heshiis lagu dhimayo nukliyeerka waa Ruushka, sababtoo ah waxaa jiray heshiis hore oo Mareykanka iyo Ruushka arrintan ka sameeyeen, laakiin Shiinaha ayaa heshiis noocan ah iska diiday marar badan , markaa oo Shiinaha uu ku adkaystay inuu u baahanyahay heer la mid ah nukliyeerka Mareykanka iyo Ruushka inuu saaro, waxaana la aaminsanyahay shantii sanno ee u dambeysay 36 bambo oo nukliyeer ah inuu sameynayay Shiinaha.