Garsoore heer federaal ah ayaa Talaadadii u oggolaaday maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu soo afjaro ilaalinta sharci ee la siiyay in ka badan 5,000 Itoobiyaan ah, taas oo u saamaxaysay inay ku noolaadaan ksna shaqeeyaan gudaha Mareykanka.
Garsooraha Maxkamadda Degmada Mareykanka ee Boston, Brian Murphy, ayaa qaaday xannibaaddii ugu dambeysay ee garsooreyaashu saareen go’aanka Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) ee lagu joojinayo Xaaladda Ilaalinta Ku-meelgaarka ah (TPS) ee dalalka qaarkood. Tallaabadan ayaa timid kadib markii Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay bishii Juun u oggolaatay maamulka Trump inuu soo afjaro ilaalinno la mid ah kuwaas oo loo fidiyay kumannaan qof oo ka soo jeeda Haiti iyo Suuriya.
Go’aanka Maxkamadda Sare, oo ay taageertay aqlabiyadda muxaafidka ah ee 6-3, ayaa xaddiday awoodda garsooreyaasha ay ugu eegaan tallaabooyinka DHS ee maamulka Trump ku doonayo inuu ku soo afjaro TPS-ka 13 dal, kuwaas oo muhaajiriinta u qalanta siinayay ilaalin bani’aadamnimo.
James Percival, oo ah la-taliyaha guud ee DHS, ayaa soo dhaweeyay go’aanka, isagoo qoraal uu baraha bulshada ku daabacay ku yiri: “Dhammaan joojinta TPS-ka hadda way dhaqan galeen!”
Joojinta TPS-ka Itoobiya ayaa waxaa ka horyimid muwaadiniin Itoobiyaan ah iyo ururka u dooda bulshada African Communities Together, kuwaas oo muujiyay niyad-jab ku aaddan go’aanka Talaadadii.
“Dhibaatada Itoobiya wali way socotaa, go’aankanna wuxuu nolosha kumannaan Itoobiyaan ah oo ku nool Mareykanka gelinayaa khatar aad u weyn,” ayay tiri Diana Konaté, oo ah ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee ururka u qaabilsan siyaasadda iyo u doodista.
TPS, oo uu dhigayo sharciga federaalka Mareykanka, waxaa loo heli karaa dadka dalalkooda ay ka dhaceen musiibooyin dabiici ah, colaado hubeysan ama xaalado kale oo aan caadi ahayn. Waxay dadka u qalma siisaa oggolaansho shaqo iyo ilaalin ku-meelgaar ah oo ka dhan ah masaafurinta.
