Thursday, August 20, 2026

Mareykanka Oo Xulafadiisa Ugu Baaqay in la Adkeeyo Cunaqabataynta Dhaqaale Ee lagu Hayo Iiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa xulafadiisa ugu baaqay inay si dhab ah uga qaybqaataan cadaadiska dhaqaale ee lagu hayo Iiraan, iyadoo Mareykanku digniin u diray dalalka sii wada xiriirka dhaqaale ee Iiraan.

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in dalalku ay wajihi doonaan cadaadis haddii ay ka horyimaadaan qorshaha Mareykanka ee go’doominta dhaqaale ee Iiraan.

Bessent wuxuu arrinta ku soo koobay hadal horey looga maqlay Mareykanka; “Mareykanka ayaad la jiri doontaan ama waxaad noqonaysaan kuwa naga soo horjeeda.”

Hadalka Bessent wuxuu dib u soo celinayaa erayadii caanka noqday ee horey uu u jeediyay madaxweynihii hore ee Mareykanka, George W. Bush, kadib weerarradii 11-kii September 2001. Bush xilligaas wuxuu dalalka dunida u sheegay in ay kala dooranayaan inay Mareykanka la jiraan ama wax uu ugu yeeray argagixisada inay la jiraan.

Wuxuu hadalkan ku qasbay Yurub iyo dalalka khaliijka inay taageerro militari iyo dhaqaale ku bixiyaan duullaankii uu Mareykanku qaaday ee burburiyay dalal badan oo Muslim ah, kaasoo Mareykanku uusan ku gaarin wax natiijo ah, halka gudaha Yurub way wali ka jirto shalleyto ay ka qabaan taageerrada ay waqtigaa bixiyeen oo dhimasho badan iyo burbur dhaqaale ay ka wajaheen, taasoo keentay inay ka fogaadaan door muuqda inay hadda ku yeeshaan duullaanka ka dhanka ah Iiraan. See less