WARSAXAAFADEED DEG DEG AH
Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si aad ah uga tiiraanyeysan tahay dhacdada foosha xun ee ka dhacday Isbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa taasi oo ay nafteeda ku weysay Hooyo Danyar ah oo lagu magacaabi jiray Nimco Jaamac Yuusuf.
Waxaa arin aad looga murugoodo islamarkaana laga tiiraanyoodo ah daruufta hooyadaas Soomaaliyeed ku kaliftay iney nafteeda goyso (Nafteeda haligto) weliba ayada oo umul ah mudo Todobaad ah taasi oo ay dadka deegaanku sheegeen in dhaqaallaha lagu xiray adeegga caafimaadka iyo daryeelka oo yaraa aawgiis ay ku kaliftay iney nafteeda haligto.
“Waxaan si aad ah ugu boorineynaa guud ahaan Soomaalida meel walba oo ay joogaan ineynaan ogolaan sii socoshada xaaladaha noocaan ah ee aan ku weyneyno hooyo, taasi oo ah wax aad iyo aad uga fog bani’aadannimada” ayey si kulul u tiri Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuququuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi.
Dhacdadan foosha xun ee naga soo gaartay magaalada Hargeysa waa dhacdo aad u naxdin badan oo qof walba oo damiir leh si toos ah u taabaneysa damiirkiisa, waxaanna Alle subxaanahu watacaalaa u weydiineynaa in uu naxariistiisa jano siiyo marxuumadda.
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

