9
Dowladda Federaalka ayaa sheegtey in ay wada-hadal kula jirto Somaliland, isla markaasina dadka Hargeysa ka dega laga dhaafi doono lacagta Evisa, iyada oo aan meesha laga saarayn dal-ku-galka Evisa, sida uu sheegey Wasiiru-dowlaha Arrimaha-dibedda, Cali Balcad.
Dadka ka dega Hargeysa & Garoowe ayaa wajahaya laba lacag oo kala ah Evisa-ha Federaalka iyo dal-ku-gal ay qaadaan Somaliland & Puntland, tan oo keentey culeys bulsho oo weyn.
