Shirka Golaha Wasiiradda oo Laga Hadlay Qodobo Xasaasi ah.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay xaaladaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka, oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan tirakoobyada Imtixaanka Qaranka ee dugsiyada dhexe iyo sare ee sanad-dugsiyeedka 2025-2026, iyo diyaar-garowga munaasabadaha maalmaha xorriyadda iyo midowga Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa dhageystay warbixin la xiriirta Hannaanka Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo diiradda saaraya taageerada horumarka qaranka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirradu ay soo dhaweeyeen doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyagoo ku tilmaamay mid ku soo dhammaatay si nabad ah. Waxa kale oo ay si gaar ah ugu mahadceliyeen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ahaa hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulkaasi intii lagu jiray marxaladdii kala guurka iyo doorashada.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyay safarka uu Hoggaamiyaha Somaliland ku tagay dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil maamusho, iyagoo sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imaanayso Dastuurka Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da ilaalinta madaxbannaanida dalalka.

Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay ciidamada amniga ee ka shaqeynaya sugidda amniga caasimadda, isagoo xusay in la fashiliyay falal lagu doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada iyo horumarka dalka.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Maxamed Xasan Nuur inuu noqdo xubin ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Maxamed Xasan Nuur waa sharciyaqaan sare oo kusoo baxay hannaan tartan furan ah, kadib markii booskaasi uu bannaanaaday.