Poland Oo Trump si cad Ugu Diiday in Nidaamka Difaaca Hawada u Dirtto Bariga Dhexe.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Poland ayaa si cad u Diiday inay u Dirtto Nidaamka Difaaca Hawada Patriot ka Bariga Dhexe, kadib Codsi uga yimid Mareykanka.

Mareykanka ayaa dalka Poland ka codsaday nidaamyada difaaca Patriot ee u yaalla inay geeyaan bariga dhexe , si ay gacan uga geystaan ka hortagga weerarrada Iiraan, balse Poland way diiday.

Wasiirka difaaca Poland , Kosiniak-Kamysz oo maanta arrintan ka hadlay wuxuu yiri; “Nidaamyada Patriot ee aan haysanno waxaa loo adeegsadaa difaaca hawada Poland iyo xadka bari ee NATO…mana jirto wax qorshe ah oo aan ugu wareejinayno meel kale.”