Sunday, November 22, 2026

Dawlada Shiinaha Oo la Ogaaday Inay Burburisay in ku dhaw 16,000 oo Masaajid oo ku yaalla Gobolka Xinjiang

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warbixin ay soo saartay hay’adda ASPI ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 16,000 oo masaajid oo ku yaalla gobolka Muslimiinta u badan ee Xinjiang ee dalka Shiinaha la burburiyay ama waxyeello loo geystay, iyadoo inta badan tallaabadaasi dhacday wixii ka dambeeyay 2017.

Baaritaanka oo adeegsaday sawirrada dayax-gacmeedka ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 8,500 oo masaajid gebi ahaanba dhulka la simay, halka kumannaan kalena laga furfuray qubbadihii iyo minaaradihii, sidoo kalena la dumiyay goobo badan oo Islaamka u barakaysan.

Arrintani waxay dhalisay walaac caalami ah iyo dood ku saabsan badbaadada dhaxalka Muslimiinta Uyghur iyo mas’uuliyadda dowladaha ka saaran ilaalinta goobaha cibaadada.