6
In kabadan 300 dugsi oo ku yaala dalka Talyaaniga ayaa laga daadgureeyey ardaydii iyo macalimiintii kaddib markii dugsiyadaas loo wada direy fariimo isku ah oo ka digaya khatarta weeraro bambaano, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada ee Dalkaasi.
Booliska Talyaaniga ayaa bilaabay baadhitaan ku aadan cida ka dambeysa fariimahaa hanjabaadaha ah, xili dhankeeda Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga, Georgia Meloni ay sheegtay inaan weli la hayn wax cadayna oo muujineysa jiritaanka “khatar qaraxyo oo dhab ah.”
