Trump Oo ku Hanjabay Inuu ka Jawaabi-doono Diyaarad Helicoptar ah Oo Uu Iran ku Eedeyay Inay soo Riday

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne Trumo ayaa sheegay in Mareykanku jawaab ka bixin doono diyaarad nooca helicoptar ah oo Apache ah oo uu ku eedeeyay in IIraan ku soo ridday Marinka Hormuz.

Inkastoo Trump uu ku andacoonayo in diyaarada Iiraan soo ridday haddana taliska ciidamada ayaa sheegay inaysan caddayn in ku talagal loo toogtay diyaarada.

Xaaladda ayaa faraha ka bixi karta Hadii uu Trump jawaab ka bixiyo shilkan.

Dhinaca kale Taliska dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan ku saabsan sababta keentay burburka diyaaradd helicopter ah ee Apache ay ku dhacday xeebaha dalka Cumaan Isniintii, waxayna sheegeen in diyaaradda helicopter-ka ah ay ku luntay xilli ay shaqaalahu ku jireen roondo.

War qoraal ah oo lagu daabacay X, Centcom waxay ku sheegtay in laba ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ee shilka galay “In la badbaadiyey ku dhawaad ​​laba saacadood gudahood” haatana uu xaalkoodu wanaagsan yahay.