Hillary Clinton iyo Madaxda kale Ee Caalamka Oo Garab Istaag u Muujiyey Garsoore Cartan

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Kiiska Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo loo diiday gelitaanka Mareykanka xilli uu ka qeyb geli lahaa Koobka Adduunka 2026, ayaa sii wada inuu helo taageero iyo falcelin caalami ah.

Arrintan ayaa gaartay siyaasiyiin caan ah oo Mareykan ah, kuwaas oo muujiyey walaac iyo taageero ku aaddan garsooraha Soomaaliyeed ee taariikhda sameyn lahaa.

Duqa Magaalada New York, Zohran Mamdani, ayaa ka mid noqday siyaasiyiinta ugu codka dheer ee ka hadlay arrintan. Mamdani ayaa sheegay in kubadda cagtu ay tahay ciyaar caalami ah oo ay dhiseen dadka ka kala yimid dunida oo dhan, isagoo tilmaamay in dhacdooyinka noocan ah ay dhaawacayaan ruuxa isdhexgalka iyo sinnaanta ee ciyaaraha caalamiga ah. Hadalkiisa ayaa loo fasirtay garab istaag cad oo uu u muujiyey Cumar Cartan, kaas oo loo diiday inuu galo Mareykanka inkastoo uu watay fiise sax ah iyo casuumaad rasmi ah oo FIFA ka timid.

Dhanka kale, xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Hillary Clinton, ayaa lagu soo warramay inay taageero u muujisay qadiyadda Cartan, iyadoo ku tilmaantay dhacdadan mid fadeexad iyo ceeb u soo jiiday Mareykanka ayna muujinayso sida ay siyaasadaha socdaalku mararka qaar u saameyn karaan dadka xirfadlayaasha ah ee ka qeybgalaya munaasabadaha caalamiga ah..

Taageerada ay muujiyeen siyaasiyiinta Mareykanka ayaa kusoo beegmaysa xilli warbaahinta caalamka, oo ay ku jiraan Reuters, AP, The Guardian iyo kuwo kale, ay si weyn uga hadlayaan dhacdada. Warbaahintaasi waxay tilmaameen in Cartan uu noqon lahaa garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka garsoora Koobka Adduunka, balse riyadaas ay hakad gashay kaddib markii laga celiyey Garoonka Diyaaradaha ee Miami.

Cumar Cartan ayaa isaguna wareysiyo uu bixiyey ku sheegay inuu aad uga niyad jabay go’aankaas, isagoo sheegay in sannado badan oo dadaal iyo shaqo adag ah ay ku dhammaadeen hal maalin gudaheed. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyey inuu sii wadi doono xirfaddiisa garsoornimo isla markaana uusan quusan doonin.

Qadiyadda Garsoore Cumar Cartan ayaa hadda isu beddeshay arrin ka baxsan kubadda cagta, iyadoo noqotay dood caalami ah oo ku saabsan socdaalka, sinnaanta iyo ka qeybgalka munaasabadaha waaweyn ee dunida

Xiddigii hore ee Arsenal oo ka hadlay arrinta Cumar Cartan

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa noqday war caalami ah kadib markii looga diiday gelitaanka Mareykanka.

Haddaba waxa arrintiisa ka hadlay shaqsiyaad saamayn leh iyo dhinacyada oo ay ka mid yihiin halyaygii hore ee Arsenal Ian Wright ayaa si cad uga hadlay arrinta Cumar Artan kaddib markii loo diiday inuu galo Maraykanka, taasoo keentay inuu seego Koobka Adduunka 2026.

Sida uu ku baahiyey muuqaalkan uu TikTok soo dhigat iyo qoraallo baraha bulshada ah, Wright wuxuu sheegay in meelo ka mid ah dunida ay weli jirto naceyb iyo takoor ku wajahan Muslimiinta iyo dadka Madow, isagoo arrinta Cumar Cartan u arkay mid aan caddaalad ahayn.

Hugaamiyihii hore xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska Jeremy Corbyn ayaa ku tilmamaay wixii ku dhacay garsoore Cumar Cartan in ay ahaayeen “Tallaabo aad u liidata”.

“Garsoore ay aqoonsan tahay FIFA ayaa loo diiday galitaanka Maraykanka kaliya in uu yahay Soomaali”.

Waxa uu sheegay in Kubaddu cagto la rabay in ay isku keento dadka.

“Tani waa cunsurinimo cand oo la fahmi karo”, ayuu raaciyay hadalkiisa isaga oo yiri “Ceeb”.