Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa Khamiista ku dhawaaqday magacaabista Rear Admiral Abdullah bin Salem Al-Shahri inuu noqdo Taliyaha Isbahaysiga Difaaca Badda ee Caalamiga ah.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah dhismaha hoggaanka isbahaysiga oo ay ku mideysan yihiin 14 dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Qatar, Pakistan, Turkiga, Masar, Urdun, Yemen, Bangladesh, Nigeria, Suudaan, Jabuuti iyo Kuwait.
Isbahaysiga ayaa diiradda saaraya xoojinta amniga badda, ilaalinta xorriyadda maraakiibta, sugidda marinada badda iyo iskaashiga ciidamada badda ee dalalka xubnaha ka ah.
