Somaliya Oo Celisay Diyaarad Gaar ah Oo Sidday Xubin ka tirsan Aqalka Odayaasha Dalka UK Oo ku Socday Hargeysa

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Soomaaliya ayaa hawadeeda ka celisay diyaarad gaar ah oo sidday xubin ka tirsan Aqalka Odayaasha dalka UK, taas oo doonaysay inay ka degto magaalada Hargeysa, sida ay ilo xog-ogaal ah xaqiijiyeen.

Diyaaradda ayaa markii hore loo weeciyay Jabuuti oo ay saacado ku dul wareegtay, balse ugu dambeyn waxay oggolaansho ka heshay inay ka degto magaalada Addis Ababa ee Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay xaalad feejignaan sare ugu jirtay cabsi laga qabay suurta galnimada in hoggaamiyaha Taiwan uu safar qarsoodi ah ku tago Somaliland, maadaama uu haatan ku sugan yahay dalka Eswatini.

Ilaa hadda lama shaacin magaca mas’uulka saarnaa diyaaradda, dowladda federaalkana weli war rasmi ah kama soo saarin dhacdadan.