Garsoorka Iiraan ayaa sheegay inuu daldalay laba maxbuus oo lagu kala magacaabo Yaqoub Karimpour iyo Nasser Bekerzadeh, kuwaas oo lagu eedeeyay “la shaqaynayeen sirdoon MOSSADm iyo basaasnimo” ay u sameeyeen Israa’iil.
Sida ay hay’addu sheegtay, xukunka dilka ee labadoodaba waxaa ansixiyay Maxkamadda Sare ee Iiraan.
Garsoorku waxa uu sheegay in Yaqoub Karimpour “uu sii waday iskaashi wax ku ool ah oo uu la lahaa hay’adda Mossad, isla markaana uu intii uu socday dagaalku u diray macluumaad qaran oo xasaasi ah sarkaal ka tirsan Mossad.”
Hay’addu waxaa kale oo ay sheegtay in Nasser Bekerzadeh “uu lahaa dhaqdhaqaaqyo laga shakisan yahay oo ka jira goobaha xasaasiga ah.”
Garsoorku waxa uu ku dooday in Mr. Bekerzadeh, “amarrada sarkaal Mossad ah awgeed, uu ururiyay faahfaahinta shakhsiyaad muhiim ah oo dowladeed, diin iyo gobolba leh, iyo sidoo kale xarumo muhiim ah sida aagga Natanz, kaddibna uu u gudbiyay wakiilka hay’adda.”
Ururrada xuquuqda aadanaha iyo hawl‑wadeennada bulshada madaniga ah ayaa muujiyay walaac ku aaddan kororka tirada daldalaadda, iyaga oo u arka habraaca maxkamadeynta iyo soo saarista xukunnadan kuwo ebinaya xuquuqda aadanaha.
