Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araghchi, ayaa maanta waraysi uu bixiyay ku sheegay waxa uu kala kulmay qaar ka mid ah madaxda dalalka Khaliijka waxuuna yiri:
“Waxaan la kulmay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha gobolka. Wuxuu si isla weyn ii yiri:’Hubso in lagu soo weerari doono. Waxay burburin doonaan xarumihiinna nukliyeerka, waxayna sidoo kale burburin doonaan xarumihiinna shidaalka. Idinkuna wax jawaab ah ma bixin doontaan, sababtoo ah waxay beegsan doonaan dalkiinna iyo hoggaankiinnaba.’
Waxaan ugu jawaabay: ‘Arrintu ma aha mid sidaas u fudud sida aad u maleyneyso.’
“Haddii ay weeraraan meel ka mid ah dalkeenna, annaguna waxaan weerari doonnaa meel u dhiganta.
Haddii Mareykanku na soo weeraro, waxaan beegsan doonnaa saldhigyadiisa militari ee gobolka. Gantaalladeennu ma gaaraan gudaha Mareykanka, laakiin saldhigyadooda gobolka way burburin karaan.’
‘Haddii ay burburiyaan xarumaheenna shidaalka oo aynaan dhoofin karin shidaalka, markaas cid kale oo gobolka ku taallana ma dhoofin doonto shidaal.”
Markii dambe waxaan maqalnay falanqeyn ka timid qaar ka mid ah dhinacyada Mareykanka iyo Israa’iil.
Waxay sheegeen inay u caddeeyeen dalalka gobolka inaanay ka welwelin hanjabaadaha Iiraan.
Waxay yiraahdeen: ‘Xitaa haddii Iiraan ay iska caabiso, waxay weerarro ku qaadi doontaa dalalka gobolka muddo bil ah oo keliya, dabadeedna arrintu way dhammaan doontaa.
Hadda xalku meesha uu marayo iyo hadallada ka soo baxaya qofkii isla waynida igula hadlay , ma aha dhagahaagu waxay aqbali karaan.”
