Jordon waxay u yeedhay safiirkii Iiraan, waxayna u dhiibtay digniin adag oo sheegaysa in ammniga iyo madax banaanida Boqortooyadu ay tahay khad cas isla markaana aysan mardambe aqbalayn in Iiraan ay ku xadgudubto.
Kuweyt ayaa dhankeeda sheegtay in Iiraan ay masuul ka tahay weerarada lagu qaaday kaabayaasha rayidka, gaar ahaan xarun koronto iyo warshad lagu sifeeyo biyaha badda.
Iiraan iyadu way iska difaacday eedeymaha, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in Jordan iyo Kuweyt aysan ogolaan in dhulkooda laga soo qaado weeraro ka dhana Iiraan, sidoo kale Tehraan waxay sheegtay in joogitaanka ciidamada shisheeye ee gobolku ay sii kordhineyso xasilooni darada isla markaana ay khatar gelineyso ammniga gobolka.
Muuqaalku waa xarunta korontada Kuweyt ee Iiraan ay weerarka ku qaaday
