Somaliland Oo Amaro Adag kasoo Saartay Googoynta iyo Dhalan-rogista Gaadiidka

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab), ayaa wareegto uu maanta soo saaray, waxa uu ku shaaciyey amaro la xidhiidha Wareegto dalan-roga iyo wax-ka-beddelka Gaadiidka Dalka.

Wareegtadan oo lagu socodsiiyey cidkasta oo ay khusayso,waxa ay u qornayd sidan;

“Sida ku cad Xeerka Waddo-marista Gaadiidka Xeer. L.r. 56/2013 iyo Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxabannan Xeer LR. 71/2025, qoddobkiisa 36aad, farqadihiisa 1aad, 6aad & 7aad, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa qaranka uga masuul ah in ay curiso Xeerarka iyo Siyaasadaha lagu xaqiijinayo helitaanka adeegyadda Gaadiidka Badda iyo dhulka oo nabdoon, isla markaana la isku halleyn karo, in ay dejiso qorshayaasha isla markaana, fuliso tallaabooyinka lagu xalinayo saameynta gaadiidku ku leeyahay is beddelka Cimiladda iyo in ay nidaamiso, isla markaan jaangooyso ka go’aan gaadhista noocyadda gaadiidka ee ku haboon dalka.

Markaan Arkay: Muhiimadda ay leeyihiin dhaqangelinta Hab-raacyadda kale ah tirtiradda Lambarka Taarikadda iyo Buugga Gaadiidka “Habraac Lr.01/2025 iyo Hab-raaca Maamulka Geerashyadda iyo Googoynta Gaadiidka duugobay ” Hab-raac Lr.02/2025″

Markaan ku Qancay: Muhiimadda u leeyahay Hirgelinta ololaha La-dagaalanka Sharci-darada Gaadiidka ee sida wada-jirka u wadaan Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, kaas oo ahmiyadda siinaya dhaqangelinta Shuruucda Waddo-marista Gaadiidka, ilaalinta Amniga iyo kobcinta dakhliyada ku waajibay Gaadiidka dalka.

Markaan Tixgeliyey: Soo Jeedinta Waaxaha Wasaaradda ee ay khuseyso Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada iyo Waaxda Liisammada iyo Buugaagta.

Waxaan Dhaqangeliyey Wareegtadan:

1. In dhamaan Geerashyada dayactirka Gaadiidka dalku aanay dhalan-rogi karin, Wax ka-bedeli karin caqaayadda, midabka, isteerinka iyo nooca Gaadiidka ilaa ogolaansho ka helaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

2. In goobaha ama geerashyada googoynta iyo dhoofinta iskaraabka gaadiidka dugoobay ee dalku (Vehicles Scrapping Services) aaney googoyn karin, furfuri Karin, rari karin, isla markaana dhoofin karin nooc kasta oo Gaadiidka duugobey ilaa ogolaansho rasmi ah ka heshaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

3. In geerashyada googoynta Gaadiidka duugoobey iyo dhoofinta iskaraabka dalku muddo bil gudaheed ku qaatan ogolaanshaha ruqsadda shaqo (Permit) ee Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka

4. In Mulkiilayaasha iyo, Maamulka Geerashyada googoynta gaadiidka dugoobey iyo dhoofinta iskaraabku ku soo xareeyaan Wasaaradda dhamaan dhokumentiyada iyo taariikooyinkii gaadiidkii aad googoyseen, isla markaana iskaraab ahaan u dhoofiseen

5. Dhamaan qoddobadan ku xusan Wareegtadani waxay ku dhaqangelayaan Muddo 30- Cisho gudaheed oo ka bilaabmaysa Taariikhda warqadani soo baxdo,” ayaa lagu yidhi Wareegtada uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL.