3 qof ayaa ku geeriyooday, in ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu dumay xabaal wadareed lagu aasayay 12 qof oo hore ugu dhintay shil gaari degmada Qabri-bayax ee Dowlad Deegaanka Soomaalida. Hawlaha gurmadka iyo soo badbaadinta dadka ku hoos jira ciidda ayaa weli socda.
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa gaaray goobta ay musiibadu ka dhacday ee xabaashu ku duntay dadkii qodayay Waxana sidoo kale uu booqday cisbitaalka Qabribayax ee ay yaallaan meydadka dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qodista xabaashaasi.
Alle ha u naxariisto dhammaan intii ku geeriyootay labada musiibo, dhaawacyadana caafimaad degdeg ah ha siiyo.





