Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay dib uga daadgureysay qaar ka mid ah diyaaradaha shidaalka hawada ku siiya diyaaradaha dagaalka ee ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Ramon ee koonfurta Israa’iil, iyadoo tallaabadan lagu macneeyay mid lagu yareynayo halista weerarro kaga iman kara Iran iyo xulafadeeda.
Sida uu baahiyay Telefishinka Israa’iil ee Channel 13, diyaaradaha noocan ah oo door muhiim ah ka qaata howlaha ciidamada cirka ayaa loo raray saldhigyo kale oo ammaan ahaan loo arko inay ka badbaado badan yihiin, kadib markii sare u kacday cabsida laga qabo weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah saldhigyada ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin gobolka.
Warbixinta ayaa sheegtay in go’aanka lagu raray diyaaradaha uu yimid kadib weerar ay Iran la sheegtay inay maalin ka hor ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Caqaba ee dalka Jordan, halkaas oo lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay kala kulmeen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha, warbaahinta Israa’iil ayaa ku tilmaantay mid culus.
Diyaaradaha shidaalka hawada ku shuba kuwa dagaalka ayaa laf-dhabar u ah howlgalada ciidamada cirka ee Mareykanka, maadaama ay u suurageliyaan diyaaradaha dagaalka inay saacado badan hawada ku sii jiraan, isla markaana ay gaaraan bartilmaameedyo fogfog iyaga oo aan u baahnayn inay saldhigyada ku soo laabtaan. Sidaas darteed, waxaa loo arkaa hanti militari oo istaraatiiji ah, isla markaana bartilmaameed u noqon karta weerarro haddii ay ku sugan yihiin goobo halis ah.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Mareykanku uu dib u eegayo qaabka uu u kala firdhinayo hantidiisa militari ee Bariga Dhexe, si looga hortago in weerar keliya uu saameyn weyn ugu yeesho awooddiisa hawlgal.
Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii xoogeysanaysay, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan weeraro eedeymo iyo hanjabaado. Dowladda Iran ayaa hore u sheegtay inay beegsan doonto saldhig kasta oo Mareykanku ku leeyahay gobolka haddii ay sii socdaan weerarrada ay ku tilmaantay gardarro ka dhan ah dalkeeda.
Dhanka kale, dowladda Mareykanka weli si rasmi ah ugama hadlin warbixinta sheegaysa in diyaaradaha shidaalka hawada ku shuba kuwa dagaalka laga raray Garoonka Ramon, mana aysan xaqiijin sidoo kale wararka ku saabsan khasaaraha la sheegay inuu ka dhashay weerarkii lagu qaaday saldhigga ku yaalla magaalada Caqaba ee Jordan.
