Wasiirkii Hore Ee A.Dibadda Iiraan Oo soo Jeediyo In Weerar Dhulka ah lagu Galo Iraq Iyo Kuwait

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Iiraan, Manouchehr Mottaki ayaa waraysi uu siiyay telefishinka dawladda Iiraan, waxaa la waydiiyay;

Miyaay Iiraan qorsheyneysaa inay si horudhac ah u qaaddo weerar dhulka ah oo ka dhan ah dalalka gobolka?

Mottaki, wuxuu yiri; “Intii aan sugi lahayn in weerar dhulka ah nalagu soo qaado, waxaan soo jeediyay inaan annagu qaadno weerar dhulka ah oo ka dhan ah Ciraaq, Kuwait iyo Baxreyn.

Waxaan qabsan lahayn saldhigyada Mareykanka ee halkaas ku yaalla, waxaanan soo qaban lahayn askarta Mareykanka.

Waxaan leenahay awoodda aan taas ku sameyn karno. Ciraaq gudaheeda waxaan ku leenahay taageerayaal badan oo naga caawin kara arrintaas.

“Dhanka Kuwait, tiro badan oo ka mid ah shacabka Ciraaq ayaa naga caawin lahaa inaan halkaas galno.”